Xafiiska UNSOM ee Puntland oo Agab ciidan ku wareejiyey Taliyaha amniga ee doorashooyinka Puntland[Dhagayso]

January 5, 2014 - Written by Editor

6Garoowe:- Xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM ayaa saaka  waxaa uu  ku wareejiyey Taliyaha guud ee ciidanka difaac Puntland ahna Taliyaha amniga ee doorashooyinka Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi  Siciid Dheer agab kale duwan oo loogu tala galay ciidanka amniga Puntland.

Xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya ee UNSOM  ayaa ku wareejiyey Taliyaha amniga ee doorashooyinka Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi  Siciid Dheer dharka ciidan oo loogu tala galay ilaa 600 oo askari oo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee sugaya amniga xilka ay dhacayso doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka  Puntland.

Taliyaha guud ee ciidanka difaac Puntland ahna Taliyaha amniga ee doorashooyinka Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi  Siciid Dheer ayaa waxaa uu mahad balaaran u jeediyey Xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM  isagoo xusay in codsigii ay jeediyeen laga soo jawaabay.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland ahna taliyaha howl-galka xiliga doorashada Gen. Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay  in mahad gaar ah uu u jeedinayo Wakiilka gaarka ah UNSOM   ee Puntland Cumar iyo  weliba ergayga gaarka ah  qaramada midoobay ee Soomaaliya Nickholas Kay sidda ay garab uga siinayaan sugid amaanka Puntland xili ay ka sooto Puntland doorashooyinka.

Hoos ka Dhagayso shir jaraa’id ee Taliyaha guud ee ciidanka difaac Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi Siciid Dheere

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online