Xaflad lagu soo dhaweynayo madaxda cusub ee Puntland oo ka dhacaday Odense
January 19, 2014 - Written by EditorOdense:-Xaflad ka dhacday magaalada Odense ee dalka Denmark, 18kii Janaayo 2014 ayaa lagu soo dhoweeyay madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey. Xafladda waxaa soo qabanqaabiyay jaaliyadda Puntland diaspora association ee magaalada Odense ee dalka Denmark. Xafladda waxaa ka soo qaybgalay Soomaali fara badan.
Ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Odense. Mr. Ajaay. Guddoomiyuhu wuxuu sheegey in ujeedada xafladdu ay tahay taageeridda isbedelka cusub ee ka dhacay Puntland, kaasoo ahaa mid taariikhiya oo adduunka oo dhan lagu soo amaaney. keddib dad isugu jira aqoonyahanno, siyaasiyiin, abwaano iyo culumaa-udiin ayaa hadallo isugu jira soo dhoweyn, hambalyeyn, taageero iyo talooyin kasoo jeediyay xafladda.
Madaxweyne Prof. Cabdiwali oo isna khadka taleefanka uga qayb galay xafladda, ayaa jaaliyadda u mahad celiyay. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashada dambe ee 2018 aysan ku koobnaan doonin baarlamaanka, balse shacabka Puntland oo dhammi uu ka qayb qaadan doono doorashada. Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay taageerada iyo ducooyinka jaaliyadda.
ugu dambeyntii waxaa madaxweynaha loo sheegay “In madaxda cusub laga sugayo inay fuliyaan balanqaadyadoodii ay ku galeen tartankii doorashooyinka”.
Faarah Yassin Osman
Sahan TV, Odense, Denmark
Fyok78@hotmail.com