Xaflad lagu soo dhaweynayo madaxda cusub ee Puntland oo ka dhacday Helsinki

January 21, 2014 - Written by Editor

3Helsinki:-Xaflad ka dhacday magaalada Helsinki ee dalka Finland, 19kii Janaayo 2014  ayaa lagu soo dhoweeyay madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Siciid Cali Shire. Xafladda waxaa soo qabanqaabiyay  jaaliyadda Puntland ee magaalada Helsinki ee dalka Finland. Xafladda waxaa ka soo qaybgalay  Soomaali fara badan.

Ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Gudiga qabanqaabada  Injineer Maxamed Xasan Ibraahim. Guddoomiyuhu wuxuu  sheegey in ujeedada xafladdu ay tahay taageeridda isbedelka cusub ee ka dhacay Puntland, kaasoo ahaa mid taariikhiya oo adduunka oo dhan laga soo amaaney. keddib dad isugu jira aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo culumaa-udiin ayaa hadallo isugu jira soo dhoweyn, hambalyeyn, taageero iyo talooyin kasoo jeediyay xafladda.

Madaxweyne Prof. Cabdiwali oo isna khadka taleefanka uga qayb galay xafladda, ayaa jaaliyadda u mahad celiyay. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashada dambe ee 2018 aysan ku koobnaan doonin baarlamaanka, balse shacabka Puntland oo dhammi uu ka qayb qaadan doono doorashada. Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay taageerada iyo ducooyinka jaaliyadda.

Ugu dambeyntii waxaa madaxweynaha loo sheegay “In madaxda cusub laga sugayo inay fuliyaan balanqaadyadoodii ay ku galeen tartankii doorashooyinka”

Helsinki
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online