Xafladii caleemasaarka Madaxda Puntland wajigii koowaad oo ka socota xarunta PDRC
January 24, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC ee magaalada Garoowe ka bilawday xaflad lagu caleemasaarayo madaxda cusub ee Puntland, Xafladaan ayaa waxaa ka soo qayb galay madax kale duwan oo ka socda maamulada ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Jubba, Maamulka Ximin iyo Xeeb iyo maamulka Gal- Mudug iyo madax ka socota dalalka Jabuuti , Kenya iyo Itoobiya.
Xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC oo ay ka dhacayso xaflada ayaa waxaa ku sugan madaxweyna yaashii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole , Gen.Cadde Muuse Hirsi Boqor, Issimo , wasiir, Xildhibaano, Taliyaasha laamaha kale duwan ee ciidanka Puntland iyo ,Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, Madaxa ka socota IGAD iyo wafdi ka socda Midawga Yurub.
Magaalada Garoowe ayaa saaka waxaa lagu arkayaa ciidamo raxanraxan ah oo ka tirsan laamaha amaanka oo sugaya amaanka magaalada gudaheeda iyo daafaheeda gaar ahaan wadooyinka ka yimaada magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.
Xaflad kale ayaa la filayaa in ay isla caawa ka dhacdo xarunta madaxtooyada ee Garoowe taas oo dhamaan madaxda lagu casumaya ka soo qayb galka caleemasaarka madaxda cusub ee Puntland ay ka soo qayb geli doonaa.
Wixii soo kordha kala soco Halgan.net
M_M_Deeq
Halgan.net