Xarunta Madaxtooyadda Puntland oo ay ka bilaabtay Xafladdii caleema saarka wajigii 2aad[Masawiro].
January 24, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa dhawaan a bilowday xarunta madaxtooyadda ee Puntland ee magaalada Garoowe wajigii labaad ee caleemasaarka madaxda cusub ee Puntland, wufuud kale duwan ayaa hadda soo gaaray xarunta madaxtooyada ee Puntland kuwaas oo ay ka mid yihiin maamulada ka jira dalka iyo xubno ka socda beesha caalamka. Xafladda wajigii koowaad ayaa saaka ka dhacday Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaan khudbado ka jeediyey inta badan wufuudii ka soo qayb gashay ee lagu casumay, Amaanka guud ee magaalada Garoowe ayaa waxaa adkeeyey ciidanka nabadsugida ee PIA ,ciidanka Badda iyo ciidanka daraawiishta ee Puntland oo xalay ilaa saaka wada baaritaano iyagoo xiray wadooyinka soo gala Garoowe ee ka yimaadaan magaalada Boosaaso iyo Gaalkacyo.
no images were found
Dadweynaha ku nool dalka Soomaaliya gaar ahaan degaanada Puntand ayaa xaflada caleema saarka waxaa ay kala socdaan Tv-da Puntland iyo raadiyaasha kale duwan ee dadweynuhu u leeyihiin sidda gaarka ah.M_M Deeq
Halgan.net