Xildhibaanada cusub ee Puntland oo saaka la dhaariyey.[Masawiro]
January 1, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xarunta Golaha wakiilada ee Puntland Xildhibaanada cusub ee Puntland , Munaasabada lagu dhaarinayey Xildhinaabada cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntland , Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Hersi,Gudiga xalinta Khilaafaadka , Issimo iyo Sarkaal ka socda xafiiska UNSOM.
Xaflada dhaarinta ayaa markii ugu horaysay waxaa lagu furay kalimada kooban oo wacdi ah iyo dardaarano ay jeediyeen Sh Axmed Daahir , ka dibna waxaa hadalka qaaday Gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka iyo afhayeenka gudiga waxaan ay jeediyeen warbixin ku saabsan qaabka ay u soo xuleen Xildhinaabada iyo howsha ay qabteen in ay ahayd mid aad u adag taasna ay sabab uga dhigeen khilaafka ku kala dhex jiray beelaha qaarkood.
Intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Murashax Cali Cabdi Awaare oo isagu u hadlay musharaxiinta waxaa uu sheegay in ay ku qanacsan yihiin howsha ay soo qabteen gudiga khilaafaadka ayna ka qab galayaaan doorashada isagoo ugu baaqay bulshada reer Puntand isku duubni iyo wada jir.
Waxaa kale oo hadal kooban isagana jeediyey Gudoomiyaha murashaxiinta Gen.Cabdilaahi Siciid Samater waxaan uu sheegay in ay jiraan ama dhaceen khaladaad badan balse ay iska daayeen markii ay eegeen danta guud ee Puntland iyo in doorashadu ay u dhacdo si nabad gelyo ah. Gudoomiyaha murashaxiinta Gen.Cabdilaahi Siciid Samater ayaa sheegay in uu ka mid ahaa dadkii wax ka dhisay Puntland uusan doonayan in uu ka shaqeeyo Puntand burburkeeda balse waxaa uu cadeeyey in uu ahaa Mucaarada si wax khaldan loo saxo.
no images were found
Intaas ka dib ayaa waxaa hadalkii qaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi Boqor waxaan uu sheegay in uu yahay nin jecel nabad Puntland iyo wada jirkeeda uuna waligiis ka shaqayn wax lid ku ah jiritaanka Puntland, Gen Cadde Muuse ayaa ugu baaqay shacabka iyo ciidanka in ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo danta guud si doorashadu ugu dhacdo nabadgelyo.
Gabagabadii Xaflada dhaarinta ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi raxmaan Faroole isagoo sheegay in ay muhiim tahay wada jirka lagan fogaado khilaafka isagoo mahad balaaran u soo jeediyey musharaxiinta kuna amaanay sidda wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen nabadgelyada.
War oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu
M_M_Deeq
Halgan.net