Xubnaha Golaha Wakiilada Dawlada Puntland oo doortay Gudoomiye KMG ah
January 1, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Xubnaha Golaha Wakiilada Dawlada Puntland ee Maanta la dhaariyey ayaa Gudoomiye KMG ah u doortay Xildhibaan Cali Axmed Cismaan kaas oo si KMG ah u shirgudoomin doona golaha Baarlamaanka Puntland.
Xildhibaan Cali Axmed Cismaan ayaa ah xildhibaanka ugu da’da weyn waxaana uu xilka sii heyn doonaa inta laga dooranayo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa
Magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa olale culus oo ku aadan Doorashada Puntland taas oo lagu wado in ay dhacdo 8 jan 2014.
Gudoomiyaha KMG ah ee golaha wakiilada Puntland ayaa ah xildhibaan ka soo galay golaha wakiilada Puntland gobalka Sool .
M_M Deeq
Halgan.net