Afhayeenka Baarlamaanka DFS oo tacsi u diray ehelada Xildhibaan Isxaaq Riinoow

April 21, 2014 - Written by Editor

jawaari-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xeray gaarigiisa magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa saakay ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka,Alle raxmadiisa jano ha siiyo anagana samir iyo iimaan hanaga wada siiyo, Xildhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabka anigoo
magacooda ku hadlaya waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa Carruurta iyo qoyska uu ka geeriyooday marxuumka”

“Geeridu waa xaq, naf kastana xili ayey leedahay,sababtuna waa halkeeda haseyeeshee gardaro in la isku dilo ma ahan Xaq,waxaase Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Gudoonkaba ay ka mideysan yihiin ineysan falalka argigixisanimo marna na niyad jebineynin oo aysan marna hakin doonin howlaha aan u heyno shacbiga Soomaaliyeed oo waan sii wadi doonnaa’ayuu hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhinac kale alle uga baryey inuu caafimaad dhameystiran siiyo Xildhibaan Maxamed Cali Dhuux oo isaguna ku dhaawacmay falkii argigixisanimo ee maanta.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online