Bayaan ka soo baxay Golaha Shuurada Ee Majliska Al-Bayaan (Akhriso)

April 21, 2014 - Written by Editor

guureJohannesburg:-Waxaa maanta oo ah maalin Isniin ah bishana ay tahay 21/04/2014, 10kii aroornimo ku qabtay shir jaraa,id xarunta albayaan ee Johannesburg gudiga fulinta ee majliska albayaan, ayagoo sheegay in shirkii socday labada maalin ee sabtiga iyo axada 19-20 april la soo gabagabeeyay, waxayna halkaa saxaafada uga aqriyeen bayaankii ay soo saareen golaha shuurada ee albayaan.

Bayaankii ka soo Baxay Shirkii Golaha Shuurada ee Majliska Al-Bayaan 2014/2015

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Shuurada ,Golaha Dacwada Albayaan ee Koonfur Afrika taariikhdu markay ahayd 19-20 April 2014 magaalada Johannesburg oo ah xarunta Hay’adda. ujeeddaduna waxay ahayd qiimaynta qorshayaashii dacwada ee sannadkii 2013 wixii fulay iyo jaangooynta qorshayaasha dacwada ee sannadka 2014/2015.

Falanqayn ka dib, waxaa shirkan ka soo baxay qodobaan Hoose.

1. Horumarinta dacwada, tacliinta, iyo ducaaddaba
2. Horumarinta maraakista iyo dhamaystirka markaska Rustenburg
3. Qabashada Tartankii Quraanka kariimka Labaad lana qabanayo bisha Ramadaan
4. Waxaa la diyaariyay guddiga mu’tamarka sanadlaha ahaa ee sannadkan 2014/2015
5. In la diyaariyo tababaro la siiyo hawl wadeenada dacwada ee golaha albayaan.

Dardaaran.
Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee koonfur Afrika u dardaarmayaa
1. Alle ka cabsi
2. Tawbad keen
3. Midnimo iyo
4. Iskaashi

Majlis Al-Bayaan
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online