Dowlada Turkiga oo ka hadashay weerar lagu qaaday xarunta safaaradeeda Muqdisho

April 12, 2014 - Written by Editor

Turkiga-ooMuqdisho:-Dowlada Turkiga ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday Dhismaha Safaarada dalka Turkiga ee magaalada Muqdisho waxaana  ay cambaareysay weerarka lagu qaaday shaqaalaheeda.

Warka laga soo qoray barta  wasaarada arimaha dibada ee dalka  Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in labo ka mid ah shaqaalaha safaarada Turkiya ay ku dhaawacmeen weerar hoobiyaal ah oo lagu weeraray safaarada dalka Turkiya ee magaalada Muqdisho

Dowlada Turkiya ayaa waxay ugu baaqday DFS  in ay gacanta kusoo dhigto cidii ka dambeesay weerarkaasi lagu qaaday shaqaale Turkish ah oo wax ka dhisaayay safaarada Turkiga ee magalada Muqdisho.

Labada shaqaale ee Turkishka ah ee weerarka ku dhaawacmay ayaa waxaa lagu sheegay magacyadooda  Recep Keskin iyo Muhammed Yakup Saraç waxaana dhaawacooda loo qaaday dalka Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa mashaariic kala duwan ka wada magaalada Muqdisho iyada oo dayactir kala duwan ku sameysay Isbitaalada ,iskuulada iyo qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online