Jamaacadda Imam oo u sameeyay qoysas danyar ah daaweyn lacag la’aan ah (Masawiro)

April 30, 2014 - Written by Editor

DSC02267Muqdisho:-Kuliyadda culuumta caafimaadka ee Jaamacadda IMAAM ayaa u sameeysay baaris & daweyn lacag la’aan ah dadka danyarta & barakacaaysha ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan.

Mashruucan oo socday muddo saddex maalin ah, waxaa ka qeyb qaatay dhaqaatiirta & ardayda kalkaaliyaasha ah  ee jaamacadda, waxaana mudadii uu socday mashruucan ka faaideystay bukaan gaaraya 150 qof oo isugu jiray hooyooyin , caruur & dad waayeel ah .

Gebogebadii baaritaanka & Xaflada waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe oo sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic dhowr ah oo ay jaamacaddu ugu talo gashay adeegga bulshada & ka qeybqaadashada kaalmada bulshada danyarta ah ee ku dhaqan Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in jaamacaddu ay bixisay dhammaan qarashkii ku baxay hirgelinta mashruucan , sidoo kale wuxuu u mahadceliyay hayadda caalamiga ah ee Patient help Fund oo fadhigeedu yahay dalka Kuweyt oo dhawaan jaamacadda ugu deeqday qalab caafimaad , qalabkaas oo wax weyn ku soo kordhiyay kuliyadda culuumta caafiimaadka ee jaamacadda.

no images were found

Dadkii ka faaideystay mashruucan ayaa u mahadceliyay jaamacadda IMAM dadaalkeeda ku aadan taakuleynta dadka danyarta ah & barakacayaasha .

Halgan.net
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online