Macalin Quraan lagu dilay xalay magaalada Muqdisho

April 9, 2014 - Written by Editor

bistaMuqdisho:-Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho xalay lagu dilay Allaha u naxariistee Macalin ka mid ahaa Macalimiinta Quraanka Kariimka dadka bara waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Daahir.

Allaha u naxariistee Macalin Daahir ayaa waxaa dilay dhalinyaro ku hubeysan Bistoolado oo iyagoo markii ay falka dilka ay fuliyeena ay goobta ka baxsadeen. Dad goob joogayaal ahaa ayaa waxaa ay u sheegeen saxaafaadda in ay yaqaaneen macalinka la dilay sabab loo dilayna aysan ilaa hadda garanaynin.

Allaha u naxariistee dilka Macalin Daahir ayaan ilaa hadda cid sheegtay jirin balse waxaa ay u badan tahay dhaqanka cusub ee kooxaha afka duubta dilalka qorshaysan ee ay ka geystaan Masaajidda iyo goobaha ku dhow oo ah ”Dil oo Aamus” arrinkaas oo ah wax shareecada Islaamka ay ka dhigtay xaaraan in qof Muslin ah dhiigiisa la iska xalaalay sto.

Dilka Macalin Daahir ayaa ku soo beegmaysa xil magaalada Muqdisho uu soo hagaagayo amaankeeda marka loo eego siddii ay horay u ahaan jirtay oo ahaa in ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo joogta ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online