Madaxweynaha DFS oo ka tacsiyeeyey dilka xildhibaan Isaaq Riino

April 21, 2014 - Written by Editor

xasanMogadishu:-Madaxweynaha JFS Soomaaliya‬ Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladda, asxaabta, baarlamaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta Qarax lala beegsaday isaga iyo gaarigiisa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, Baarlamaanka, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo ahaa mudane baarlamaan oo u adeegayey shacabka iyo dalkiisa. Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa ALLAHA ka waraabiyo. AAMIIN.”

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu EEBBE uga baryayaa Xildhibaan Maxamud Cali Dhuux oo isagana qaraxaas dhaawac ka soo gaaray inuu EEBBE u fududeeyo dhaawaciisa oo uu bogsado. Kooxaha nabad-diidka marnaba kuma guuleysanayaan argagaxa iyo dilalka qorsheysan oo ay la beegsanayaan shaqsiyaadka u adeegaya danaha shacabka iyo tan dalka. Nabaad diidku waxey ku soo koobmeen inay argagax dadka geliyaan oo ay si arxan la’aan ah u laayaan shacabka iyo masuuliyiinta. Soomaaliya Soomaali baa leh, waana ka gun gaareynaa kooxahan diidan nabadda iyo Soomaalinimada.

DHAMAAD.
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online