Ra’iisul Wasaare C.weli iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo dhoweyn ballaaran oo loogu sameeyey Kismaayo.[Masawiro]

April 12, 2014 - Written by Editor

IMG_7564Kismaayo:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sh.Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana garoon ka ku soo dhoweeyey dadweyne aad u badan, hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed (Madoobe) ku xigeenkiisa iyo saraakiil sare sare.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xildhibaano, Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo lataliyeyaal, waxaana inta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sugan yahay magaalada Kismaayo uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jubooyinka,hogaamiyeyaasha maamulka, saraakiisha kala duwan ee ciidamada xoogga, iyo saraakiisha AMISOM, isaga oo kala hadli doona xoojinta amniga, iyo horumarinta degaanada Jubooyinka ee dhinacyada dib u dhiska.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubba, iyaga oo kulan gaar ah wada qaatay,waxayna ka dib warbaahinta si wadajir ah ugu qabteen shir jaraa’id.

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku soo dhoweynayaan Kismaayo isla markaana shacabka Jubbooyinku ay si buuxda u taageersan yihiin dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hogaankeeda,wuxuuna tilmaamay in Muqdisho iyo Kismaayo ay yihiin mataano.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta ballaaran ee shacabka iyo hogaanka Jubbooyinku u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna tilmaamay in inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Waxaan salaan diiran idiinkaga wadaa madaxweynaha dawladda federaalka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda federaalku ay diirada saareyso sidii goboladan loo xasilin lahaa, loogana xoreyn lahaa degaanada ay weli ku harsan yihiin kooxaha nabadiidka ah.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamada ugu horeeya maalinta berri ah la yeelan doona hogaamiyeyaasha maamulka Jubba, wuxuuna kala hadli doonaa dardargelinta iyo meel marinta heshiiskii Addis Ababa.

–Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kismaayo, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online