Raisulwasaaraha DFS oo tababar u furay shaqaalaha wasaaradda Cadaaladda(Masawiro)

April 21, 2014 - Written by Editor

IMG_9596Moqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta xarunta Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ka furay simnaar aqoon kororsi ah oo loo qabanayey Shaqaalaha Wasaaradda, Siminaarka ayaa waxaa ka soo qayb galay kaabayaasha Garsoorka, sida Ciidanka Asluubta, Garyaqaanada, Nootaayooninka, iyo Garsoorayaal.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Cabdullahi Bille Nuur ayaa ugu horayntii ka warbixiyey ahmiyada uu leeyahay Siminaarkaan shaqaalaha Wasaaradda si kor loogu qaado xirfada shaqaalaha, waxaana wasaaraddu diyaarisay qaab dhismeed uu shaqaalaha Wasaaradu ku dhisan yahay si loo hormariyo habsami u socodka shaqada Wasaarada, qof walbana lagula xisaabtamo shaqadiisa.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir ayaa dhankiisa sheegay in culays weyn uu ka jiro dhanka garsoorka, ayna jirto baahiyo badan oo shacabku u qabaan inay helaan garsoor Caddaalad ku dhisan.

“Labadii bilood ee ugu danbeeyey Wasaaraddu waxay ku howlanayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha iyo diyaarinta agabkii ay ku howl gali lahaayeen, waxaana wasaaradu markii ugu horaysay mudooyinkii ugu danbeeyey dib u dhis ku samaysay iyo qalabayn xafiisyadii Wasaaradu lahayd. Garsoorka waxaa naga haysta culays faro badan oo ka imanaya bulshada qaybaheeda kala duwan, xalna looma heli karo hadii aan la siin tababaro shaqaalaha Wasaaradda” ayuu yiri Wasiirak Cadaalada iyo Dastuurka

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa sheegay in baahida ugu weyn oo ay maanta qabaan shacabka Soomaaliyeed ay tahay sidii muwaadin kasta u heli lahaa Garsoor ku dhisan caddaalad.

“Ahmiyada caddaladdu u leedahay bulshada waa mid ku dhisan noloshooda, waana mid qayb weyn ka qaadan karta nabadgalyadda, horumarka dhaqaalaha, iyo kalsoonida bulshad dhexdeeda, hadii garsoor la waayo waxaa hubaal ah in sida loo kala xoog badan yahay laysku muquuniyo, si aan uga baxno dhibaatooyinka dalka la degay waxaa laga maar maan ah in caddaladii dib loo soo celiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali

no images were found

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caddaladdu ay kor u qaadayso kalsoonida ay shacabku ku qabaan dowladnimada, loona baahan yahay dadka ku howlan arrimaha caddaaladda in la tayeeyo aqoontooda is loo helo garsoor ku dhisan caddaaladda, waana inaan dhexda u xiranaa sidii aan u heli lahayn garsoor hufan oo dadku ku kal soonaan karo.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director Office of the PM

Mogadisho-Somalia

Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online