Sh.Abubakar Shariff oo caawa lagu toogtay magaalada Mombaza ee dalka Kenya (Daawo)

April 1, 2014 - Written by Editor

Sheikh-Abubakar1Nairobi:-Wararka ka imaanaya magaalada Mombaza ee dalka Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dileen allaha u naxariistee Sh.Abubakar Shariff uu ku magac dheeraa (Makaburi) waxaana uu ka mid ahaa culumada magaalada Mombaza ee taageersan kooxaha Al-Qacida .

Wargeyska Daily Dation ayaa qorey in wadaadka ay toogteen 4 qof oo hubeysan waxayna ku toogteen afaafka hore ee Maxkamada Shanzu Law Court waxaana Magaalada Mombaza horey loogu dilay Sh.Caabudo Rogo iyo Sh. Samiir Khaan iyo dhalinyaro kale oo Muslimiin ah.

Dadweyne Careysan ayaa isugu soo baxay magaalaada Mombaza ka dib markii warbaahinta Kenya laga sheegay allaha u naxariistee dilka Sh.Abubakar Shariff Makaburi waxaana magaalada Mombaza la soo dhoobay ciidamo tiro badan oo ka tirsan Booliska dalka Kenya.

Sh.Abubakar-Shariff  ayaa horey uga sheegtay in gurigaasa ay dhowr mar ku soo weerareen ciidamada la dagaalanka waxay ugu yeeraan argagixisada isaga oo sharci daro ku tilmaamay in gurigiisa eeyo lala galo oo la jajabiyo.

Hoos ka Daawo Sheikh-Abubakar-Shariff oo gurigiisa ay weerareen ciidamada Nabad sugida.

Hoos ka daawo Sh.Abubakar-Shariff oo maxkamad lagu saarayo Maxkamada Shanzu Law Court

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online