Dawrooyinkii cilmiga iyo aqoonta ee Buuhoodle oo lasoo gabagabeeyey.[Masawiro]

July 2, 2014 - Written by Editor

DSCI0617Buuhoodle:-Magaalada buuhoodle ee caasimadda gobolka cayn ayaa lagusoo gabogabeeyey dawrooyin sharci ah oo fasaxan loogu magacdaaray [دورات العلم والمعرفة]  labada dawro ayaa kala ahaa sidan:
1-    Dawro loo qabtay ardayda dugsiga sare ee machadka alfurqaan, laguna qabtay xarunta jaamacadda bariga afrika ee buhoodle.

2-    Dawro loo qabtay ardayda macaahidda icdaadiga ah kana soctay xarunta machadka ummusalama ee Buuhoodle.

Dowradan oo soconaysay muddo bil ah ayaa waxaa ardayda loogu qabtay labo xarumood oo kala ah xarunta jaamacadda bariga afrika & xarunta mac-hadka Ummu salama ee magaalada buuhoodle. Waxaa kasoo qaybgalay xaflada lagu soo xidhayay dawradaas Ardayda ka faa’iiday satay, macalimiintii bixinaysay, waalidiin,isimaada waawayn ee gobolkani cayn, & marti sharaf kale.

Ugu horayntii waxaa ka war bixiyey dowrada & intii ay soconaysay Sh. Cabdilaahi Cabdisamad & Sh.Maxamed Cabdiwali Yuusuf oo maamulayaal ka ahaa labada meelood ee dowradani ay ka socotay.

Maamule ku xigeenka mac-hadka sare ee al furqaan Buuhoodle Sh Axmed Maxamed Samatar ayaa ka hadlay muhiimadda ay leeday dawrooyinka noocan oo kale ah. Sh Mubaarak Sh Xuseen Sugulle oo ah madaxa waaxda dacwada ee gobolka Cayn ayaa u mahadceliyey machadka Al-furqaan iyo macaahidda raacsan iyo weliba qaban qaabiyeyaasha dawradan, wuxuuna dhiiri geliyey soo celcelinta dawrooyinkan sharciga ah.

Ardaydii ka faa’iidaysatay dowradan ayaa iyaguna goobta ka hadlay waxayna ka warbixiyeen wax yaabihii ay barteen iyagoona tilmaamay in ay ku adkaan lahayeen casharada qaar hadii aysan helin dowradan muhiimka ah.Intaas ka dib waxaa hadlay masuuliyiinta golaha deegaanka ee degmada Buuhoodla, culimo, waalidiin & marti sharaftii kale ee xafladda ka soo qayb galay.

Ugu dambayntiina waxaa munaasibadda soo xidhay Garaad Saleebaan Buraale Aw-Aadan oo ka mid ah issimada Gobolkan Cayn iyadoona halkaas abaal marino & shahaadooyin lagu gudoon siiyey ardaydii dowradu u soo dhamaatay.

no images were found

Buuhoodle,Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online