Dowladda Puntland oo magacowday hay’adda maalgashiga iyo horumarinta Puntland[Masawiro]

July 17, 2014 - Written by Editor

IMG_2604Garoowe:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 17 bisha july 2014 waxaa xarunta  Madaxtooyadda Dawladda  Puntland  ku shiray Golaha Wasiirada dawladda Puntland  shirkaas oo Khamiis’le ah iyadoo  dood dheer iyo falanqeyn  laga yeeshay xaalada dalka,  ka dib waxaa ka soo baxay Qodobada hoos ku qoran

1. Guud ahaan Amniga Puntland aad  ayuu wacan yahay waxaana howgalo Dawladdu ka wadaa Goboladda waaweyn  ee puntland  , si looga hortago khatar kasta oo ka imaanaysa  kooxaha xagjirka ah sida uruka al-shabaab  sidoo kale  Dawladdu waxay  guddi u saartay khatarta ka imaan karta kaalimada shidaalka  oo kusoo badanaya gudaha puntland guud ahaan iyo gaar  ahaan Caasimada  oo u keeni karta  khatar naf iyo mid dhaqaale

2. Dawladda  Puntland waxay ka gudubtay marxaladii xaalada Bini’aadaantimada ahayd  waxay u gudubtay marxalada horumarinta iyo maalgashiga sidaa owgeed  waxay Dawladda Puntland Magacowdey (  HAY’ADDA MAALGASHIGA IYO HORUMARINTA PUNTLAND  ) Puntland Investment And Development  Authority  ( PIDA)

3. Golaha wuxuu War-bixin ka Dhageystay Gudiga Qabanqaabada Xuska sanad-guurada 16’aad ee dhalashada Dawladda Puntland ee  1-August, Guddigan oo ka kooban sadex Guddi hoosaad ,waxay xuseen in howsha u socoto  si  wanaagsan, munaasabadanina qabsoomayso xiligii loogu talo galay. Waxaa sidoo kale warbixino laga dhegeystay Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyada meesha ay marayso hawsha dib u habaynta iyo reform’ka) guud ee dalka .

no images were found

Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )
Email. spofgovpl@gmail.com.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online