Golaha wasiiradda dowladda Puntland oo shiray iyo qodobo laga soo saaray shirkooda.[Masawiro]
July 24, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 bisha july 2014 waxaa xarunta Madaxtooyadda Dawladda Puntland ku shiray Golaha Wasiirada dawladda Puntland shirkaas oo Khamiis’le ah Iyadoo dood dheer iyo falanqeyn laga yeeshay xaalada dalka, ka dib waxaa ka soo baxay Qodobada hoos ku qoran:-
1. Golaha Xukuumada Dawladda Puntland waxay maanta tacsi heer qaran ah u direen ummadda Soomaliyeed gaar ahaan Shacabka Puntland iyo Eheladii ay ka geeriyootay Alla ha u naxariistee marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame.
2. Sidoo kale Dawladda Puntland waxay si buuxda uga qeyb galeysaa Aaska Qaran ee loo sameynayo Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame waxaana Dawladda Puntland u dirtay wafdi ka kooban 17 mas’uul oo kala ah Wasiiro, Xildhibaano Issimo iyo Saraakiil kale.
3. Golaha Xukuumadu waxay maanta ka doodeen magacayada murashixiinta xubnaha u tartamaya xafiiska Difaacaha xuquuqda Aadamaha ee Puntland Waxayna Goluhu isku raaceen 4 xubnood oo kala ah, Saciido Ahmed Cali, Maryan Ahmed Cali, Maha’ed Yusuf Cali, Burhan Aadan Cumar, waxaana kala saari doona Golaha Barlamaanka Dawladda Puntland.
4.Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland ayaa maanta keentay heshiiskii kaluumeysi ee ay wada galeen Dawladda Puntland iyo Jabouti iyo Puntland iyo Yemen,heshiiskaas oo qeexaya is-afgarad dhexmaray Dowlada Puntland iyo Dowladaha Jabouti iyo Yemen. Heshiiskaas oo lagu xakameyn doono kaluumeysiga sharci darada ah.
5. Golaha Xukuumadu waxay maanta magacaabeen Guddi dhibaatada ka jirta gaadiidka la kala qabsanayo ee kusoo noqnoqday deegaamada Puntland, gudigaas oo kala ah Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waxayna Dawladda Puntland go’aan wax ku Ool ah ka qaadan doontaa Gaadiidka lagu kala heysto gudaha Puntland iyo sidii looga hortagi lahaa soo noqnoqadka dhibaatadaas.
6. Golaha wuxuu War-bixin ka Dhageystay Gudiga Qabanqaabada Xuska sanadguurada 16aad ee dhalashada Dawladda Puntland ee 1-August, Guddigan oo ka kooban saddex Guddi hoosaad, waxay xuseen in howsha u socoto si wanaagsan, munaasabadanina qabsoomayso xiligii loogu talo galay.
7. Waxaa sidoo kale warbixin laga dhegeystay Taliyaha nabad galyada wadooyinka. Goluhu wuxuu ka wareystay sababaha keentay shilalka gaadiidku inay sii bataan iyo tirada shilalka dhacay lixdii bilood ee ugu danbeysay. Wareysiga taliyaha ka dib waxaa loo xilsaaray dhibaatadaas sidii xal loogu heli lahaa Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
8. Waxaa warbixin guud oo xagga Caafimaadka ah laga wareystay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland. Waxaa wasiirku ka warbixiyey safar uu uga soo noqday gobolka mudug.
Waxaa Golaha Xukuumadu ka dhageysteen warbiximo ,Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyada meesha ay marayso hawsha dib u habaynta iyo reform’ka guud ee dalka.
no images were found
Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )
Email. spofgovpl@gmail.com