Golaha wasiiradda dowladda Puntland oo shiray iyo qodobo laga soo saaray shirkooda.[Masawiro]

July 24, 2014 - Written by Editor

2Garoowe:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 bisha july 2014 waxaa xarunta  Madaxtooyadda Dawladda Puntland  ku shiray Golaha Wasiirada dawladda Puntland  shirkaas oo Khamiis’le ah Iyadoo  dood dheer iyo falanqeyn  laga yeeshay xaalada dalka,  ka dib waxaa ka soo baxay Qodobada hoos ku qoran:-

1. Golaha Xukuumada Dawladda Puntland  waxay maanta  tacsi heer qaran ah u direen ummadda Soomaliyeed gaar ahaan Shacabka Puntland iyo Eheladii ay ka geeriyootay Alla ha u naxariistee marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame.

2. Sidoo kale  Dawladda Puntland  waxay si buuxda uga qeyb galeysaa Aaska Qaran ee loo sameynayo Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame  waxaana Dawladda Puntland u dirtay wafdi ka kooban  17 mas’uul oo kala ah Wasiiro, Xildhibaano Issimo iyo Saraakiil kale.

3. Golaha Xukuumadu  waxay maanta  ka doodeen magacayada murashixiinta xubnaha u tartamaya  xafiiska Difaacaha xuquuqda  Aadamaha ee Puntland  Waxayna   Goluhu isku raaceen 4 xubnood oo kala ah, Saciido Ahmed Cali, Maryan Ahmed Cali, Maha’ed Yusuf Cali, Burhan Aadan Cumar, waxaana  kala saari doona Golaha Barlamaanka Dawladda Puntland.

4.Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland ayaa maanta keentay  heshiiskii kaluumeysi ee ay wada galeen Dawladda Puntland iyo Jabouti iyo Puntland iyo Yemen,heshiiskaas oo qeexaya is-afgarad dhexmaray Dowlada Puntland iyo Dowladaha Jabouti iyo Yemen. Heshiiskaas oo lagu xakameyn doono kaluumeysiga sharci darada ah.

5. Golaha Xukuumadu waxay maanta  magacaabeen Guddi dhibaatada ka jirta gaadiidka la kala qabsanayo ee kusoo noqnoqday deegaamada Puntland, gudigaas oo kala ah Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waxayna Dawladda Puntland go’aan wax ku Ool ah ka qaadan doontaa Gaadiidka lagu kala heysto gudaha Puntland iyo sidii looga hortagi lahaa soo noqnoqadka dhibaatadaas.

6. Golaha wuxuu War-bixin ka Dhageystay Gudiga Qabanqaabada Xuska sanadguurada 16aad ee dhalashada Dawladda Puntland ee  1-August, Guddigan oo ka kooban saddex Guddi hoosaad, waxay xuseen in howsha u socoto  si  wanaagsan, munaasabadanina qabsoomayso xiligii loogu talo galay.

7. Waxaa sidoo kale warbixin laga dhegeystay Taliyaha nabad galyada wadooyinka. Goluhu wuxuu  ka wareystay sababaha keentay shilalka gaadiidku inay sii bataan iyo tirada shilalka dhacay lixdii bilood ee ugu danbeysay. Wareysiga taliyaha ka dib waxaa loo xilsaaray dhibaatadaas sidii xal loogu heli lahaa Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

8. Waxaa warbixin guud oo xagga Caafimaadka ah laga wareystay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland.  Waxaa wasiirku ka warbixiyey safar uu uga soo noqday gobolka mudug.

Waxaa Golaha Xukuumadu ka dhageysteen warbiximo ,Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyada meesha ay marayso hawsha dib u habaynta iyo reform’ka guud ee dalka.

no images were found

Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )
Email. spofgovpl@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online