Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka tacsiyeeyey Geeridii ku timid Allaha u naxariistee Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe.

July 20, 2014 - Written by Editor

islaanbashiirGaalkacyo:-Islaan Bashiir waxaa uu Ummada Soomaaliyeed uu uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe, oo 19, July, 2014, ku geeriyooday magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Allaha u naxariistee Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe, oo 19, July, 2014, ku geeriyooday magaalada Buuhoodle, waxaana Ummada Soomaaliyeed leeyahay samir iyo iimaan Allaha naga siiyo, isagana Allihii abuurtay baan Janno uga baryeynaa iyo in uu u dambi dhaafo”. Ayuu yiri Islaan Bashiir.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax wuxuu si gaar ah tacsi ugu sii diray qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagay Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo uu Alle uga baryey in uu samir ka siiyo, Garaadkana wuxuu Alle uga baryay in Alle uu siiyo janatul fardowsa.

Marxuum Garaad Abdullaahi wuxuu ahaa shaqsi Bulshadeena magac ku leh, Hogaamiye dhaqan ah, Nabadda jecel, dadkana wanaaga fara, Dhamaanteen waa ina ka geeriyoodey Allaah ha u naxariisto inagana ha ina ka samir siiyo ku wii ku waana qaatana ha ina ka dhigo.

Ugu dambayntii Islaan Bashiir oo ku sugan hoygiisa Gaalkacyo ayaa umada reer Puntland ugu baaqay in ay is cafiyaan marxuumkana Allaah ugu baryaan in uu dambigiisii dhaafo.

Xafiiska xiriirka Bulshada
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle
Gaalkacyo

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online