Labadii gacan ku dhiigle ee dilay Nafisa Cismaan oo la toogtay
July 15, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Maxkamada ciidamada qalabka-sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka toogatay labo dhalinyara ah oo dilay alaha u naxariistee Nafisa Cismaan Salaad oo ahayd gabar arday ah dilkaas oo aad uga xumaadeen shacabka Muqdisho. Labada gacan ku dhiigle ee saaka la toogtay ayaa waxaa lagu toogtay barxadda iskool boliisiya ee magaalada Muqdisho waxaana goobta lagu toogtay goob joog ka ahaa guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka-sida Liibaan Cali Yaroow.
Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka-sida Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in Xasan Maxamed Cabdi (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shaataa) lagu fuliyey xukun ay muteysteen .Shacabka magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyey dilka lagu fuliyey Xasan Maxamed Cabdi (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shaataa) oo dilay Allaha u naxariistee Nafisa Cismaan.
Amniyaadka Al-Shabaab ayaa waxaa ay bilaabeen baryahan danbe in ay magaalada Muqdisho ku dilaan dumarka iyaga oo ku eedeeya in ay qaad iyo raashin ka iibiyaan ciidanka DFS.
A/Cawale
Halgan.net