Dowlada Mareykanka oo soo dhaweeyey Safiirka Cusub ee DFS Omar Abdirashid Ali Sharmarke
July 15, 2014 - Written by EditorWashington:-Madaxweynaha dowladda Maraykanka Brack Hussein Obama ayaa maanta ka gudoomay safiirka cusub ee DFS u fashin doona dalka Maraykanka waraaqihii aqoonsiga safiirnimo Dr.Omar Abdirashid Ali Sharmarke.
Dowlada Maraykanka ayaa mudo laga joogo 20 sano wax xiriir diblamaasi la lahayn dalka Soomaaliya balse Isbuucii hore ayaa Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu danjiraha Soomaaliya u fadhin doona dalka Maraykanka u magacaabay Dr.Omar Abdirashid Ali Sharmarke
Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta Dalka Maraykanka Dr.Omar Abdirashid Ali Sharmarke ayaa waxaa uu la kulmay maanta Madaxweynaha dalkaas Barack Obama .
Dowlada Mareykanka ayaa waxaa ay dano badan ka leedahay dalka Soomaaliya waxaana ay saldhigyo ciidan ku leedahay magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada xalane ,waxaa sidoo kale jooga ciidamo ka qeyb qaata dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab waxaana arinkaas in badan kashfiyey wargeysyada caanka ah ee ka soo baxa dalka Maraykanka.
Cabdi Yare
Halgan.net