Puntland oo gudi heer wasiiro ah u saartay Xuska Sanad Guurada 16-aad ee Aasaaskii PL.[Masawiro]

July 10, 2014 - Written by Editor

IMG_1714Garoowe:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 10 bisha july 2014 waxaa xarunta  madaxtooyada  puntlnad  ku shiray golaha wasiirada dawladda Puntland  shirkaas oo khamiis’le ah iyadoo  dood dheer iyo falanqeyn  laga yeeshay xaalada dalka,  ka dib waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku qoran.  Xaalada amniga Puntland marka loo eego xaalada guud ee soomaaliya waxay mareysaa meel aad u wanaagsan kaasoo shacabka Puntland iyo   hey’adaha kale ee Puntland ku sugan loo cadaynayaa in amaanka guud sugan yahay. Dawladda puntland iyadoo lagu jiro bishii ramadaan ayna tahay bisha ay kooxaha nabad’ diidku dhibaatooyin geystaan bishaan gudaheeda, waxay Dowladda Puntland  kor u qaaday dhamaan laameheeda amniga dalka.

Dawladda puntland waxay  isu diyaarinaysaa soo dhaweynta  Aasaaskii  puntland  oo ay ka  soo wareegtay 16 sano,  isla-markaana waxaa golaha wasiiradu  u magacaabeen guddi heer  wasaarado  ah oo kala ah wasaarada maaliyada ,wasaarada howlaha guud, wasaarada war’faafinta, wasaarada amniga , wasaarada  arrimaha gudaha, wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, wasaaradda haweenka iyo Wasaaradda waxbarashada.

Sidoo kale waxay dawladda puntland ugu baaqaysaa dhamaan  jaaliyadaha puntland ee aduunka  inay u diyaar garoobaan  xuska maalinta 1 August oo ah waqtigii la asaasay Dawlada Puntland. Waxay golaha wasiiradu dhowaan soo bandhigi doonaan dib habayn ay wado Dowladu oo lagu samayn doono qaybaha kala ah .

– Shaqaalaha Dawladda Puntland.
– Ciidamada Dalka.
– Caddaaladda Iyo Garsoorka.
– Dhaqaalaha Iyo Horumarinta Hannaanka Cashuuraha.
Golaha wasiiradu waxay  maanta Ansixiyeen hanaanka siyaasada maamul baahinta iyadoo la dhaqan-galinayo qodoba dastuuriga ah ee 120,122,123, siyaasaddaan oo  fududey neysa  taageerada uu bixiyo mashruuca  JPLG ee horumarinta  degmooyinka  Puntland. Waxaa golaha wasiiradu qiimeyn ku sameeyeen cabashadii iskaashatada gaadiidka Puntland, waxaana la isku raacay in la xalliyo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan iyadoo lahubinayo inta ay le’eg tahay baaxadda dhibaato ee ay ka cawdeen,  waxaana si gaar ah loogu  xil saaray  wasaaradaha kala.
1. Wasaaradda Hawlaha Guud .
2. Wasaaradda Maaliyadda.
3. Wasaaradda Ganacsiga.
4. Wasaaradda Dekedaha.

Waxaa goluhu war-bixin dheer ka dhageystay  wasiiradii ka soo laabtey safarkii shaqo ee ay ku tageen  magaalada Kismaayo ee xarunta Dowladda Jubbaland, iyagoo golaha horkeenay qodobada heshiis wadaag ah oo ay wada qaateen Puntland iyo Jubbaland, isla markana waxaa golaha xukuumaddu ay soo dhoweeyeen heshiiskii dhowaan dhex maray Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale waxaa goluhu war-bixin ka dhageysay  wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda oo safar shaqo ku tagay dalalka jabuuti iyo yamen  isla markaana lasoo saxiixday heshiishyo  is-kaashi xaga kaluumaysiga iyo khayraadka badda ah.

no images were found

Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )
Email. spofgovpl@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online