Tartanka Quraanka Kariimka Gobolka Nugaal oo ka bilowday Masjidka Al- Raxma ee Garoowe.[Video/Masawiro]
July 4, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maalinti shalay masjidka Alraxma magaaladda garowe ka biloowday Tartan ka Qur,aanka kariimkaa tartan kaan oo sanadwalba ka dhaca magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, tartankaan oo ah heer gobol ayaa waxaa uu gogol xaar u yahay tartanka heer puntland Waxaa daah furka tartanka kana hadlay gudoomiyaha Mu,asasada Alminhaaj faraceeda gobolka Nugaal Sh. Mukhtaar Axmed Faarax waxaana uu ka war bixiyay tartankaan iyo qiimaha uu bulshada u leeyahay .
Waxaana sheekhu sheegay in danta mu,asasadu ka leedahay ay tahay in la helo jiil ku tarabiyooba kitaabka allah islamarkaana xifdisan waxaa kale oo uu xusay gudoomiye Mukhtaar in tartankaani ka kooban yahay 5juz/10juz/20/juz/30juz. Tartankaan waxaa sanadwalba soo qaban qaabisa Mu,asasada Alminhaaj waxaana ay u qabataa tartan hordhac ah ardayda dhigata madaarista magaaladda Garowe ardaydii ka soo baxdana waxay u tartamaan heer gobol waxayna ka qayb qaataan tartanka guud ee heer puntland.
Hoos ka Daawo Tartanka Quraanka Kariimka Gobolka Nugaal oo ka bilowday Masjidka Al- Raxma ee Garoowe
waxaa sidookale isna goob ta kahadlay Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusf Sheekhul baladka waxana sheekhu kalimad aad u qiimi badan oo dardaaran iyo dhiiri galinba ujeedshay umada reer Garowe iyo Soomaliya oo dhan waxaana sheekhu sheegay in meesha dhibaatadu inoo ka timid ay tahay markaan dayacnay Kitaabka allah waxaana uga badbaadikar naa in aan kitaabka allah daryeelno kuna dhaqano awolaadeenana ku barbaarino waxaa sidookale uu ardayda ugu baaqay in ay dadaalka siiwadaan kana faa iidays taan khayrka eebe baray.
no images were found
Mu,asasada Alminhaaj
Garowe,Somalia