Tartanka Quraanka Kariimka Gobolka Nugaal oo ka bilowday Masjidka Al- Raxma ee Garoowe.[Video/Masawiro]

July 4, 2014 - Written by Editor

8Garoowe:-Waxaa maalinti shalay masjidka Alraxma magaaladda garowe ka biloowday Tartan ka Qur,aanka kariimkaa tartan kaan oo sanadwalba ka dhaca magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, tartankaan oo ah heer gobol ayaa waxaa uu gogol xaar u yahay tartanka heer puntland  Waxaa daah furka  tartanka kana hadlay gudoomiyaha Mu,asasada Alminhaaj faraceeda gobolka Nugaal Sh. Mukhtaar Axmed Faarax waxaana uu ka war bixiyay tartankaan iyo qiimaha uu bulshada u leeyahay .

Waxaana sheekhu sheegay in danta mu,asasadu ka leedahay ay tahay in la helo jiil ku tarabiyooba kitaabka allah islamarkaana xifdisan waxaa kale oo uu xusay gudoomiye Mukhtaar in tartankaani ka kooban yahay 5juz/10juz/20/juz/30juz. Tartankaan waxaa sanadwalba soo qaban qaabisa Mu,asasada Alminhaaj waxaana ay u qabataa tartan hordhac ah ardayda dhigata madaarista magaaladda Garowe ardaydii ka soo baxdana waxay u tartamaan  heer  gobol waxayna ka qayb qaataan  tartanka guud ee heer puntland.

Hoos ka Daawo Tartanka Quraanka Kariimka Gobolka Nugaal oo ka bilowday Masjidka Al- Raxma ee Garoowe

 

waxaa sidookale isna goob ta kahadlay Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusf Sheekhul baladka waxana sheekhu kalimad aad u qiimi badan oo dardaaran iyo dhiiri galinba ujeedshay umada reer Garowe iyo Soomaliya oo dhan waxaana sheekhu sheegay in meesha dhibaatadu inoo ka timid ay tahay markaan dayacnay Kitaabka allah waxaana uga badbaadikar naa in aan kitaabka allah daryeelno kuna dhaqano  awolaadeenana ku barbaarino waxaa sidookale uu ardayda ugu baaqay in ay dadaalka siiwadaan kana faa iidays taan khayrka eebe baray.

no images were found

Mu,asasada Alminhaaj
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online