Wasiirka Arrimaha Dibadda oo dhiggiisa Spain kula kulmay Madrid ,kana wada hadlay xiriirka iyo arrimaha ammaanka.

July 14, 2014 - Written by Editor

IMG_3224Madrid, July 14, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh  ayaa maanta kula kulmay Magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga H.E. José Manuel García-Margallo oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal .

Kulanka labada Wasiir oo looga hadlay arrimo muhiim u ah danaha wadaagga ah ee labada dal , ayaa waxaa ka mid ahaa taageeridda hey’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya , iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood ay sameeyaan  iyo la dagaalanka argagaxisada.

Mudada uu kulanka socday , labada Wasiir Arrima Dibadeed , waxa ay is dhaafsadeen aragtiyadooda ku aadan xaaladaha iyo isbadalada Soomaaliya , gobolka iyo caalamka .

Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu kulan gaar ah la yeeshay  Mr. Alberto Virella oo ah  Agaasimaha Africa, Asia iyo Yurubta galbeed ee Wakaaladda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Spain (AECID) oo ay ka wada hadleen fulinta mashaariic horumarin, la dagaalanka saboolnimada iyo dejinta siyaasad cusub oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo wax wadaagga labada dal .

Wasiir  Abdirahman D. Beileh , waxa uu sidoo kale kaga qeybgalay Magaalada Madrid kulan dood wadaag  ah oo su’aalo lagu weydiiayay , kaasoo ay qaban-qaabisay Xarunta Cilmi baarista Spain ee Think Tank .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda, iyadoo sidoo kale balaarisay xiriirka kala duwan ee kala dhaxeeya dowladaha , Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga , si indhaha caalamka ay u arkaan hanaanka qurxoon ee isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaan , taasoo kordhisay in dowladaha iyo ururada caalamiga ay dib uga furtaan Safaarado iyo Xafiisyo Caasimadda dalka ee Muqdisho.

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
 

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online