Wafdi heersare ah oo booqday Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle‏.[Video/Masawiro]

July 2, 2014 - Written by Editor

DSC02608Waxaa Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle booqasho ku tagay xubno isugu jira Qurbajoog, Aqoonyahano, Dhakhaatiir, Qoraayo i culimo & waxgarad kale waxaan u jeedka booqashadoodu ay ahayd in ay indho indhaynayey horumarka waxbarasho ee Gobolka Cayn gaar ahaana magaalada Buuhoodle.  Wafdigaan ayaa waxaa ku soo dhaweeyey xarunta Jaamacadda Bariga Afrika faraceda buuhoodle xubno ka tirsan BOD ka jaamacadda, maamulka & waliba macaliminta wax ka dhiga jaamacadda iyadoo xiligaan ay ardaydu fasax ku jiraan. Waxaa ugu horayn ku soo dhaweeye jaamacada Sh.Mubaarak Sh Xuseen Sugulle oo ka mid ah BOD jaamacadda isagoona tilmaamay in ay yimaadeen deegaankoodii jaamacaduna ay lagarab taagan tahay waxay u baahan yihiin.

Sidoo kale Maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika ee Buuhoodle Dr. Sh. cabdishaafi Axmed Cali ayaa uga waramay xubnahan booqshada ku yimi jaamaca marxaladihii ay soo martay jaamacadu faraca buuhoodle muhiimada loo aas aasay jaamacadda & guulihii ay gaadhay tan markii la aasaasay jaamacda bariga afrika faraceda buuhoodle. Sidoo kale goobta waxaa laga soo jeediyey badhitaano xaaladda waxbarada goboka cayn ah oo ay samaysay jaamacada bariga afrika ee buuhoodle.

Waxaa iyana goobta ka hadlay xubnihii booqashada ku yimi jaamacadda waxayna u mahad celiyeen maamulka jaamacada sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen waxayna goobta kasoo jeediyeen talooyin muhiima oo ku aadan sidii loo horu marin lahaa waxbarashada gobolka & tan jaamacadda bariga afrikaba. Booqashadan ay ku yimaadeen Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle xubnahan Aqooyahanada, Proff & Dhakhaatiirta ah ayaa waxay ku soo idlaatay sidii loogu tala galay.

no images were found

Hoos Ka Daawo Video-ga Qurba Joog booqday Jaamacadda Bariga Afrika Buuhoodle

Buuhoodle
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online