Xarumaha dhimirka Puntland oo baaqay u jeediyey shacabka reer Puntland‏

July 17, 2014 - Written by Editor

BaaqaBoosaaso:-Kulan maanta ay isku yimadeen Maamulka Dhimirka Gaalkacyo,ganacsato, Mamulka Jaamacadda Bariga Afrika Gaalkacyo Iyo Masuliyin Ka Socotay Xarunta Dhimirka Bosaso ayaa looga hadlayay sidii loo caawin lahaa dadka qaba cudurka dhimirka ee ku jira Xarumaha Quudinta Dhimirka Ee Puntland. Kulanka ayaa intii usocday ayaa waxaa Lagu Lafa Guray Sida Loo Xoojin lahaa Isku Xirka Guud Ahaan Xarumaha Dhimirka Waxaana looga Hadlay Baaahida Dhabta ah ee ka jirta Xarumaha Kala Gedisan oo Loo Kala Qaaday Daawaynta, Xanaanada Iyo Quudinta .

Ugu Horayntii Waxaa Ka Hadashay Drs. Xamiido Shakiib Oo Ah Maamulaha Xarunta Caafimaadka Dhimirka Gaalkacyo Oo Sharaxaad ka Bixisay Mudada Seddexda Sano ah oo ay Xarunta jirtay Waxaana ay Sheegtay In Sanadkan Xaruntu Ay Qabatay 165 Bukaan oo Isugu Jira Rag Iyo Dumar Oo ay Bukaanada U Kala Qaatay Qayb Xarunta Lagu Hayo Iyo Kuwa Daawooyin Uso Doonta Xarunta.

Dr. C/raxmaan Xasan Oo Ah dhaqtar Ka Howlgala Xarunta Caafimaadka Dhimirka Boosaaso Oo Kulanka Ka Qaybgalay ayaa sheegay in Xarunta Caafimaadka Dhimirka Sanadkan Gudahisa Ay Qabatay 227 Bukaan Waxaana Caafimaadkooda Dib U Helay 181 Bukaan, Sidoo Kale Waxa Uu Ka hadlay Bukaanada Daawooyinka ku Qaata Guryahooda oo kor U Dhaafaysa 580 oo Xarunta Dhimirka iyo Cusbitalka Kawada Shaqayn Jireen Oo Hakad Soo Gelay Ka dib Markii ay Daawooyinka Ka Go’een.

Madaxa Jaamacada bariga Afrika Gaalkacyo Sheekh Maxamed Aadan Cigaal oo Ka Hadlay Kulanka Ayaa Ugu Horayn U Mahadceliyay Howlwadeenada Xarumaha Waxaana Bulshada ugu Baaqay in la Garab Istaago Dadka Qaba Xanuunka Dhimirka Sidoo Kale Waxaa uu Sheegay in Bisha Barakaysan Ee Ramadaan La Garab Istaago Dadka Qaba Xanuunka Maadaama Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Gebogebo Ku Dhowdahay Bulshada Muslimiinta Laga Rabo Sakaatul Fidri.

Sh Siciid Maxamed Muumin Oo ah Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo Oo Kulanka Ka Hadlay Ayaa ka hadlay Dhibaatada ay Qabaan Walaalaha ku Xanuunsan Xarumaha Kala Gedisan Ee Puntland Waxaana uu Codsi U Diray Dadka Illahay Wax U Dhiibay in ay Gargaraan Walaalaha Horay Wax U Qabtay Iy Sii Xoojiyaan Sidoo Kale Waxa Uu Ka Hdalay In Ay U Baahan In Bulshada Laga Wacyigeliya Masajidyada  Lagu Cibaadaysto, Idaacadaha Iyo TVyada Si Wax Loogu Qabtay Dadka Qaba Xanuunka Dhimirka Oo Baahan Xanaanayn Iyo Daaweynba.

Suldaan Maxamed Muuse Geelxoor Oo Ka Mid Ahaa Aasaasayaashi Xarunta Caafimaadka Dhimirka Bosaso Oo ka hadlay Kulanka Ayaa Sharaxay Safaro kala Duwan oo ku Bixiyay Xarumaha Kala Gedisan Ee Ku Yaala Deegaanada Puntland Waxaana Uu Sheegay In Xilligan Uu Wado Dadaal Sidii Isugu Xiri Lahaa Xarumaha Caafimaadka Dhimirka, Suldaanka Ayaa Sidoo Kale Kulanka Ka Sheegay In Uu Wado barnaamij Balaaran oo wax loogu Qabanaayo Xarumaha Waxaana ugu Danbayntii Sheegay Qaabka Bulshadu Ugu Gargaari karaan Walaalaha Qaba Xanuunka Dhimirka Isaga Oo Tusaale Usoo Qaatay Tirada Ku Nool Deegaanada Puntland Oo Lagu Qiyaaso Seddex milyan Haddii ay Hal Milyan oo Qof Ay Bixiso Sakaatul Fidriga Waxaa Dabooli Kara Boqolkiiba Toban.

Yacquub Maxamed Cabdalla KuXigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo Oo Soo Xiray Kulanka Ayaa Qaylo Dhaan U Diray Dhamaan Umadda Soomaaliyeed Waxaana Uu Sheegay in Xilligaan Munaasib tahay Sida Loogu Gurman Lahaa Walaalaha Dhibaataysan, Sidoo Kale Waxa uu hadalkisa Ku Daray Bulshada Qaybta Xanuunsan in ay tahay Imtixaan Iyo Ku Cibro Qaadasho Dadka Caafimaadka Qaba, waxaana Loo Baahan Yahay Ayuu Yiri Yacquub In Qof kasta Waxa uu Awoodo Ku Bixiyo Xarumaha kala Gedisan.

Dr. AbdiRahman Hassan
Bosaso,Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online