Yahuuda iyo xasuuqa Gaza (Muxaadaro Sh Macalin Maxamuud Raximahulaah (Daawo + Cod)
July 17, 2014 - Written by EditorGaza:-Wararka ka imaanaya magaalada Gaza ayaa sheegaya in cadowga yahuuda ay duulaan balaaran ku qaadeen magaalada Gaza oo ay gacanta ku hayaan Ururka Xamaas wariye uga soo warama Gaza Tv Al-Jazeera ayaa sheegay in ciidamada Yahuuda ay xasuuq ba,an ka geysteen magaalada Gaza
Magaalada Gaza ayaa tobankii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ay ciidamada Yahuuda waxay ku dileen magaalada Gaza 240 muslimiin reer falastiin ah oo 52 ka mid ah ay yihiin Caruur waxaana ku dhaawacmay duqeynta ay ciidanka Yahuuda ka geysteen magaalada Gaza 1800 qof oo rayid ah.
Dadka reer falastiin ayaa waxaa ku socda xasuuq waxaana daawanaya caalamka Islaamka xitaa shacabkii waxay kari waayeen in ay shacuurtooda muujiyaan iska daa in ay Jihaad la galaan Yahuudee.
Hoos ka Daawo sida Yahuuda u xasuuqeyso Caruurta Muslimiinta Falastiin ee Gaza.
Madaxada dowladaha Islaamka ayaa waxaa ay hadaladooda ku soo koobeen in ay ku cabaadaan QM iyo hay,ado gaalo halka Yahuuda ay xasuuqa sii wado iyada oo aan dan ka lahaydn cabaadka madaxada wadamada Islaamka
Waxaan halkaan idiinku soo gudbineynaa muxaadaro aad u qiimo badan oo uu jeediyey Sheekh Macalin Maxamuud raximahulaah isaga oo ka hadlay xaalka ay ku sugan yihiin Muslimiinta Cinwaanka muxaadarad wuxuu ahaa Haka quusanina Naxariista Ilaahay
Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada naxariista alle ha ka quusanina Sheekh Macalin Maxamuud Raximahulaah
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/oki5xiala2/Ha_quusanina.mp3]ama Halkan Mp3
C/Casiis Maxamed
Halgan.net
Salaf Media