BBC-da oo waraysi gaar ah la yeelatay Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud.[Dhagayso]
August 7, 2014 - Written by EditorWashinton:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda BBC-da ee laanta Af-ka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladdiisu ay faa’iido ka heshay shirka madaxda dalalka Afrika iyo Mareykanka ee lagu qabtay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka. Madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud ayaa xusay in qaar ka mid ah Golahiisa wasiiraddu ay ku weheliyaan safarkiisa ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen dhigood dalalka Afrika si ay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Afrika ay u wanaajiyaan.
Shirka madaxda dalalka Afrika iyo Mareykanka ee lagu qabtay magaalada Washington DC ayaa waxaa lagu marti qaaday ilaa 50 hoggaamiye Afrikaan ah iyadoo shirka waxyaabaha looga hadlay ay ka mid ahaayeen ganacsiga, dhaqaalaha, horumarinta iyo dhinac amniga.
Hoos ka Dhagayso Waraysi idaacadda BBC-da ay la yeelatay Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/pshzi9ocr8/waraysixassanbbc.mp3]
Source: BBC