Culimad Gobolka Sool oo baaq u jeediyey Bulshada Soomaaliyeed.[Masawiro/Video]
August 12, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa bilahaan ka socday gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool dhismaha Masjidka Ramadaan kaas oo ku yaala badhtamaha magaalada Laascaanood waxaana dhisayay guud ahaan walaalaha Soomaaliyeed kuwaas oo ku deeqay waxyaabo kale duwan sidda Lacag, Sibidh, Marrmarrka ,Sagxada la dhigo iyo qalab kale.
Masjidka ayaa waxaa lugu qiimeeyay labo boqol oo kun 200,000 kun doolar waxaana soo gaadhay culimada iyo maamulka masjidka Lacag dhan boqol lix iyo labaatan kun Sagaal Boqol iyo Sagaal iyo toban Dolar 126,919, waxaana baxay boqol saddex iyo labaatan kun Dollar todobo boqol iyo lixdan iyo todob Dollar 23.767 Dollar waxaana Haatan Xawaalada Amal u yaal lacag doolar oo dhan 3,152 iyadoo goobta uu ka hadlay Sh Maxamuud Salaad Warsame.
Geesta kale waxaa halkaas si wayn ogahadlay maamulaha Xawaalada Amal Siciid Cabdi Ducaale (Siciid Elji) ayaa si wayn ugu mahad Celiyay walaalihii soo diraya lacagtaas kor aan ku soo sheegnay waxaan ka codsanaynaa in guud ahaan dadkii soo diray lacagaha inay soo caawiyaan masaajidka.
Masjidka Ramadaan ayaa waxa uu ku yalaa Badhtamaha Magaalada Laascaanood kaas oo si wayn u soo dhaweeyeen dhismihiisa dadka ku tukan jiray xiligii uu yaraa gaar ahaan dadka agdegan iyo shacabka magaaladaba.
Hoos ka Daawo baaqii Culimad Gobolka Sool
no images were found
Wixii faahfaahhin ah kala Xidhiidhi kartaa Culimada iyo Ganacsatada
Tel. +252-63-4496013-
+252-63-4496041
+252-63-4496031
C/kariim C/llaahi
lascanod,Somalia