Dowlada Federaalka oo sheegtay In ay ka xun tahay dagaalkii Somaliland ku qabsatey Saaxdheer.

August 29, 2014 - Written by Editor

dhuxulowMogadishu, 29 August 2014 – Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha Mudane Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey mowqofka Dowladda Federaalka ee ku aadan weerarkii hubeysnaa ee shalay ka dhacay deegaanka Saaxdheer. Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay weerarka hubeysan ee ka dhacay degaanka Saaxdheer, kaas oo geystay khasaare isugu jira naf iyo maalba.”

Wasiirka oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri “Dowladdu waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dagaalka lagana dhowrsado warar colaadda sii hurinaya xaaladana uga sii daraya. Dowladdu waxay aamminsan tahay in ay dadku xor u yihiin xaqna u leeyihiin in ay si nabadgelyo ah isku imaadyo u samaysan karaan, sidaa darted waxaan ku baaqaynaaa in dadkii lagu qabtay Saaxdheer la sii daayo xuriyadoodana loo soo celiyo si ay arrintaasi ugu adeegto nabadda iyo isu soo dhawaanshaha.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay nabadgelyo, xasilooni iyo horumar taas oo ku imaan karta isxaqdhowr, isfaham iyo wadahadal lagu xalliyo wixii is afgranwaa ah ee jira. Sidaas darteed waxaan dhinacyada oo idil ugu baaqaynaa una soo jeedinaynaa in la wada hadlo caqliguna uu taliyo.”

-Dhamaad-

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online