Hay,adda SUNNA oo Seminaar ku qabtay Hotel ilyaas ee magaalada JigJiga.[Masawiro]

August 13, 2014 - Written by Editor

IMG_0079JigJiga:- Hay,adda SUNNA ee arrimaha tacliinta iyo dacwada ee ka howl gasha dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya isla markaana ah hay,adda dadaal balaadhan oogu jirta kor u qaadida maqaamka dacwadeed ee deegaanka Soomalida Itoobiya iyo tayaynta ducaada ayaa saminaar socday mudo saddex cisho ah u soo xidhay maamulada Macaahida hoos yimaada qaybta waxbarashada ee hay,adda Sunna iyo ku xigeenadooda.

Seminaarkan ayay ujeedadiisu ahayd in kor loo qaado aqoonta maamulada Macaahida islaamiga ah lagana dhiso habka idaareynta si ay u noqdaan macaahidan meel ay soo baxaan midho wanaagsan.Ujeedada labaad ooguna muhiimsan ayaa ahayd in la mideeyo Macaahidan ka jirta guud ahaanba deegaanka ee hoos yimaada hay,adda SUNNA dhanka maamulka iyo manhajkaba.

Tababarkan oo ay bixiyeen Al-ustaad Fu,aad Garaad Bashiir Garaad Dool iyo madaxa kuliyada luuqada carabiga ee Jaamacada jigjiga al-ustaad Abdirahmaan abuucaamir ayaa waxaa ka soo qayb galay kana faa,idaystay maamulada 11 machad oo ka mid ah 13 machad oo hay,adda SUNNA hoos yimaada kuna kala firirsan inta badan gobollada deegaanka.

Xafladii xidhitaanka tababarkan oo ay ka soo qayb galeen golaha sare arrimaha islaamka ee dowlada deegaanka Soomalida Itoobiya iyo gudoomiyaha hay,adda SUNNA Maxamed Xassan Burcaawi ayaa waxaa la isla qaatay in tayada maamulada iyo macalimiintaba kor loo qaado isla markaana waxaa isla goobta lagu magacaabay guddi waxbarasho oo isku xidhaysa Macaahida lana soconaysa geedi socodka wax barashada ee macaahidan.

Ma aha markii oogu horeysay ee ay hay,adda SUNNA qabato tababar noocan oo kala ah lakinse kan wuxuu kaga duwanyahay in uu gaar u yahay mudiiriinta macaahida lana barayay dhanka maamulka oo kali ah .

no images were found

Hay,adda SUNNA

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online