Maamulka Machadka-Al-furqaan ee Gobolka Sool ee Laascaanood oo Arday Shahaadooyin Gudoonsiiyay.(Video/Masawiro)

August 6, 2014 - Written by Editor

40Laascaanood:-Xafladan ayaa waxa ay ahayd mid balaadhan oo ay qabteen Maamulka Machadka Al-furqaan ee Gobolka Sool ee ku yaala Magaalada Laascaanood,waxaana Looqabtay Dufcadii 6-aad ee ka baxda Machadka, Ardaydan oo Gaadhaysa 170, Ardayda  Xafladaan ayaa waxaa ka qayb galay Culimda Gobolka Sool Ganacsato Jaamacada Nugaal golaha ardayda ka Machadka Al-furqaan. Waxaa Halkaasi kahadalay Maamulaha Machadka A-lfurqaan  Sh.Yuusuf Haybe Oo ka shee keeyay guud ahaan ardaydii ka baxaday iyo kuwa haatan dhigta sh,waxaa hadaladiisa ka mid ahaa maanta waxaa dhiganaya  Machadka Al-furqaan 570 Arday waxaana Kabaxaya 170,Oo isugu jira wiilal iyo Hablo aradydan oo dhamaysatay Sadaxsano oo Machadka A-lfurqaan  ay dhiganayeen.

Waxa aya halkaas ku soo bandhigeen aqoon aad u saraysa oo dadkii ka soo qaybgalay siwayan u farax galisay taas oo Machadka Al-furqaan  horeba ay ogabarteen dadka Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn Dega inuu kaalin wayn kuleeyahay Horumarinta Bulshada ,Ardaydan ayaa waxa ay akhriyeen qudbado,Gabayo Luuqadaha Carabiga Soomaaliga dhamaan dadkii aad ayay ugu qushuuceen waxaana Looqiray Culimda Bari Ee Hogaamindoonta dadka Iyo dalka.

Geesta kale waxaa halkaas qudbad Qiimo Babadan ka jeediyay Sh Maxamuud Xaliike oo ardayda Oga sheekeeyay Dadaalkii Loo soogalay sidii shacabka Soomaaliyeed diinta loo gaarsiin Lahaa Sahal kuma iman Maanta inaad Halkan Joogtaan oo aad sifudud u barataan Diinta,Ayaa kamid ahaa sh,hadaladiisa. Waxaa aradyda siwayn u dhiirigaliyay Madaxa Dacwada Gobolka Sool Sh. Axmed Maxamed Saleebaan oo ka sheekeeyay qaabkii dowaladii Soomaaliyeed ay ardayda ugu diri jirtay Halsano oo shaqo qaran ah taas oo sheekhu tilmaamay in looga baahan yahay ardayda inay dadka waxbaraan kuna laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen si dadka looga dhisayo Barashada Diinta Islaamka.

Culamadii Ganacsatadii iyo Jaamacada Nugaal Iyo Golaha ardayda kabaxday Machadka Al -furqaan dhamaantood dadkii halkaas kahadlay ayaa waxa ay si weyn ula dardaarmeen ardaydii ka baxday Machadka A-lfurqaan  waxana maamulka Machadka A-lfurqaan  Halkaas ka sheegay in 12- Aug 6, 2014 in labilaabi doono diiwaan galinta ardayda.

no images were found

Hoos ka Daawo Video

C/kariim C/laahi
Lascanod,Somalia
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online