Madaxwaynaha DGPL oo khudbad xiiso leh ka jeediyay Sanad Guuradii 16-aad ee ka soo wareegatay Aasaaskii Puntland.[Video]

August 2, 2014 - Written by Editor

SAMSUNG CAMERA PICTURESGaroowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu Xalay Magaalada Garoowe gaar ahaan Hoolka Golaha Wakiilada Puntland kaga qayb galay Xaflad Balaaran oo lagu waynaynayay Sanad guuradii 16-aad ee ka soo wareegatay xiligii dhidibada  loo taagay Puntland. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Camay, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro iyo Marti sharaf kale oo ka kala timi Gudaha Dalka iyo Dibada.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Gabagabadii Xaflada ka jeediyay Khudbad dheer oo Taariikhi ah soona jiidatay dhamaanba dadkii ku sugnaa Hoolka iyo kuwoo sida Tooska ah uga daawanayay Talafashinada.

“16-sano kadib Puntland waxay yagleelatay Dowladanimo ay u dhantahay garashadii iyo dareenkii ay ku xagsan lahayd wixii ay hada haysato si waafaqsan dastuurkeeda kuna raadsan lahayd joogii wixii ka maqan’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

” Tayaynta ciidamada qalabka sida,waxaan kor uqaadayna Tababarka ciidamada,waxaan ka haqab tiraynaa agabkooda,waxaan masuuliyad dheeri ah iska saaraynaa daryeelkooda ciidamada dalku waa in ay leeyihiin astaan qaran waa in ay ka dheertahay astaan qabiil hubku beeluhu isu haystaan waa in loo wareejiya difaaca xabada aad ka bad baadiso walaalkaa waxay keyd u tahay cadow gaaga’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Qodobadii kale ee uu madaxwayne Gaas ka hadlaa waxaa kamid ahaa :-

1. Kobcinta Dakhliga Dowladda iyo ururinta Canshuuraha Bariga

2. Dib u eegista  Tayada Shaqaalaha Dowladda

3. Tayaynta iyo Dib u eegista Cadaalada mid qofeed iyo mid deegaanba

4.Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn oo uu madaxwaynuhu ku tilmaamay maqnaan shahooda in Puntland jiritaankeedu dhamaytir mayn inta Goboladaasi maqan yihiin .

5.Arimaha Soomaaliya iyo Waliba Xiriirka Dowladda Dhexe

‘’Massalaha nimaan ii dhigayn midig ma saaraayo,ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad sheegto ‘’sidaa waxaa yiri Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas uu ka jediyay Munaasabii 1- Ogosto:-

-Dhamaad-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online