Madaxweynaha DGPL oo madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada Puntland ugu jira DFS ee Garoowe ku soo laabtay

August 2, 2014 - Written by Editor

IMG_5738Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka madaxtooyada kusoo dhaweeyay wafdi xildhibaano katirsan barlamaanka federalka Soomaaliya oo maanta Garowe soo gaaray. Xildhibaanada yimid maanta Magaalada Garoowe waxaa hogaaminayay Xildhibaan Xassan Abshir Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf,waxana ay tiro ahaan ahaayen lix Xildhibaan.

Markii ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe waxaa soo dhawayn balaaran usameeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland, Xildhibaano, Saraakil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Shacabka qaybahiisa kala duwan ee ku nool Magaalo madaxda Puntland Garoowe. Sharaf weyn ayay ii tahay maanta inay igu soo booqdaan xarunta madaxtooyada Puntland wafdi ka socda Baaralamanka Soomaliya gaar ahaan xubnihi matalayay dowladda Puntland Sidaasi waxa yiri Madaxwayne Gaas.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale Xildhibaanada uga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen baaqii uu ugu yeerayay xildhibaanada Puntland ugu jira Dowladda Fedaeraalka Soomaaliya. Xildhibaan Xasan Abshir Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo iyana si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayaa kamahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Dalka Puntland oo ay deegaan ahaan ka soo jeedaan.

Markii aanu maqalnay baaqii aad soo jeedisay Puntland dadka kaga jira in la yimaado waanu soo dhaqaaqnay runtii waxna ma aanan sugin ilaahayna nabad buu nagu keenay sidaasi waxa yiri Xildhibaan Xasan Abshir Faarax.

no images were found

-Dhamaan-
Xafiiski Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online