Nicholas Kay oo war-saxaafadeed ka soo saaray hishiiskii shalay lagu gaaray Muqdisho

August 7, 2014 - Written by Editor

nickayMogadishu, 6 Agoosto 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay Ximan iyo Xeeb oo ku biiray oo saxiixay heshiiska mabda’ ahaan lagu dhisayo maamul goboleed ay yeeshaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dhinacyada wada galay heshiiska, oo billowgii ay saxiixeen dhinacyada kale ee ay arrintu khuseyso 30kii bishii Luulyo, waxay isku afgarteen inay ka wada shaqeeyaan sidii maamul cusub looga dhisi lahaa gobollada dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaan soo dhoweynayaa maamulka Ximan iyo Xeeb oo ku biiray oo saxiixay heshiiskan oo ah tallaabada kowaad ee hanaanka maamul goboleed loogu sameynayo gobollada dhexe ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Waxaan dhammaan saxiixayaasha saddexda ah iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu hambalyaynayaa horumarka muhimka ah ee loo qaaday dhanka nabadda iyo dowlad-dhiska”.

“Waxaan dhinacyada heshiiska wada galay ugu baaqayaa inay wadatashi wax ku ool ah iyo dib u heshiisiin la yeeshaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso, iyagoo xaqiijinaya in la ilaaliyo danaha maamullada hadda sameysmaya iyo kuwa horeyba u jiray,” ayuu raaciyay.

“Qaramada Midoobay, oo goobjoog ka ah heshiiska, waxaa ka go’an inay taageerto hirgelintiisa iyo u jeeddooyinka guud ee ay Soomaaliya ka leedahay nabadaynta iyo dowlad-dhisidda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

WAR SAXAAFADEED 37 /2014
UNSOM.ORG

 

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online