Puntland iyo Xildhibaanada DFS ee Puntland oo shir wada tashi ah uu uga socdo xarunta madaxtooyadda ee Garowe.
August 18, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa shir wadatashi ah uga socdaa xarunta madaxtooyadda ee magaalada Garoowe Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng.Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ‘’Camay’’ iyo xubno ka tirsan golaha wakiiladda ee Puntland. Shirka wada tashiga ee ka socda xarunta madaxooyadda ee magaalada Garoowe ayaa waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha dowladda Puntland Dr .Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaan laga doodayaa khilaafka ka dhashay maamulka loo samaynayo Gobolladda dhexe iaydoo la filayo in shirkaan uu ka soo baxo go.aamo ay ku midaysan yihiin Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowladda Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net