Muxaadaradii uu xalay Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed ka jeediyey Masjidka Abuu Bakar ee Nairobi.[Video]

August 30, 2014 - Written by Editor

bbNairobi:-Sheekh.Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa caawa waxa uu muxaadaraad ka bilaabay masaajidda magaalada Nairobi oo uu hadda ku sugan yahay Sheekha oo safar gaaban ku soo gaaray magaalada Nairobi, ayaa caawa muxaadaradiisa 1aad waxa uu ku galay masaajidka Abuu Bakar ee loo yaqaanno 6-ka, waxaana uu ka hadlay dacwada iyo wanaagga ay leedahay.

Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa sheegay in dacwada oo laga shaqeeyo ay tahay waddadii nabiyada iyo dadka fiican wuxuuna tiriyey wanaagga laga dhaxlo wax u sheegidda dadka iyo ka reebidda xumaanta. Dhinaca kale sheekha ayaa ka hadlay khasaaraha lagala kulmi karo haddii laga tago wanaag faridda iyo xumaan ka reebista, isagoo tusaalayaal u soo qaadanayey aayadaha iyo axaadiithta ku soo aroortay mowduucaan.

Ugu dambeyntii, sheekha ayaa sheegay in waxa dadka loogu yeerayo ay ahaato jidkii dadkii salafka ahaa, isagoo sharraxay qawaaciddii salafka ama usuusha ay tahay in looga daydo. Sheekha ayaa habeen dambe waxa uu sidan oo kale muxaadaro ku leeyahay masaajidka hidaaya ee magaalada Nairobi, waxaana uu muxaadaradaas uga hadli doonaa tilmaamaha laga doonayo qofka daaciga ah.

Hoos ka Daawo muxaadaradii uu Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed ka jeediyey Masjidka Abuu Bakar ee magaalada Nairobi

Halgan.net/Somalireal

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online