Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari Gaashaale sare C/xakiin Yuusuf Xuseen oo xilka la wareegay.[Masawiro]

August 15, 2014 - Written by Editor

IMG_5685Bosaaso:-Xaflad balaaran oo saaka ka dhacday Saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa si rasmi ah xilka Taliyaha cusub qaybta Gobolka Bari la wareegay Gaashaale sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen  waxaan xilkaas ku wareejiyey Taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Bari Axmed Yuusuf Muuse. Munaasabadda xilka loogu wareejinayey Taliyaha cusub ee  Gobolka Bari Gaashaale sare C/xakiin Yuusuf Xuseen kana dhacday Saldhiga dhexe ee Boosaas ayaa waxaa ka soo qayb galay, Saraakiil ka tiran ciidanka Booliska Puntland ,Xeer ilaaliyaha Gobolka Bari, Maamulka Gobolka iyo degmada Gobolka Bari.

Taliye ku xigeenka qaybta ciidanka Booliska Gobolka Bari Axmed Yuusuf Muuse oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa warbixin kooban ka siiyey taliyaha cusub xaalada amniga ee Gobolka Bari isagoo ku wareejiyey agab ay ka mid yihiin gaadiidka Booliska.  Taliyaha cusub  qaybta Gobolka Bari Gaashaale sare C/xakiin Yuusuf Xuseen  oo isagan ka hadlay goobta ayaa sheegay in xilka loo dhiibay uu yahay xilweyn waxaan uu codsaday in lala shaqeeyo si looga hortago cid walba oo wax u dhimaysa nabadgelyada.

Gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Galan oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in taliyaha cusub ee xilka la wareegay uu yahay nin aan gobolka Bari ku cusbayn oo horay uga shaqeeyay, isagoo ugu baaqay bulshada Gobolka Bari ay la shaqeeyaan taliyaha cusub.

Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta ka hadlat Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqannaf isagoo ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo dhiibay taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Gobolka Bari Gaashaale sare C/xakiin Yuusuf Xuseen  isagoo uu ku booriyey. Taliyaha cusub in uu ka soo baxo xilka loo igmaday waxaan uu shacabka Gobolka Bari ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka Booliska si loo adkeeyo amniga iyo nabadgelyada.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online