Taliyihii ciidanka Booliska Gobolka Bari oo qarax lagu dilay
August 4, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Qarax is miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee Taliyihii ciidanka Booliska Gobolka bari G/sare Cabdiraxmaan Cali Cabbaas iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa. Qarax ayaa la sheegayaa in uu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarax ka dibna isku qarxiyey Irida hore xarunta taliska ciidanka Booliska ee Gobolka Bari.
Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in qarax miino ah lagu dilay allaha u naxariistee Taliyihii ciidanka Booliska Gobalka Bari iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii. Qarax lagu dilay Taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Bari ayaa waxaa sheegtay sidda caadiga ah ururka Al-shabaab.
Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa soo gaaray goobta qarax ka dhacay waxaan ay xireen goobaha ku dhow meesha uu qarax ka dhacay.
M_M_Deeq
Halgan.net