Wafdi booqasho ku tegay dhismaha Mac-hadka Imaam Nawawi ee Magaalada Qabridahare

August 13, 2014 - Written by Editor

IMG_0009 - Copy (2)Qabridahar:-Badhtamihii bisha july ee sanadkan 2014ka ayaa booqasho indha-indhayn dabagal, iyo dardar galin ahi ku tageen dhismaha machadkan ee laga dhisayo magaalada qabridahar wafdi balaadhan oo ay horkacayeen gudoomiyaha guud ee maxakamada shareecada islaamka mudane muxumed yusuf iyo madaxa jaaliyaadka gobolka qoraxay ee daafaha dunida mudane Sheekh Abdinuur bashir iyadoo ay ku weheliyeen safarkan xubno sarsare oo ka tirsan maamulka mashruuca Imam Nawawi.

Wafdigan oo ka koobnaa 11 xubnood oo isugu jiray qurba joog ka kala timid wadamada caalamka oo ay u badnaa aasaasayaashi iyo mas’uuliinta dhismaha machadka Imamu Nawawi oo hada si habsami leh uga socda magaalada Qabridahare, qaran joog  iyo culimo ayaa u yimid magaalada qabridahare ee xarunta gobolka qoraxay in ay soo kormeeraan halka uu marayo dhismaha machadka iyo in la qiimeeyo waxqabadka gudiyadii loo xil saaray dhismaha machadkan islamarkaana ay dardar geliyaan dhameystirkiisa oo hada gabogabo ku dhow.

Wafdigan ayaa kulamo iyo shirar la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka qoraxey oo ay ugu horeeyaan masuuliyiinta dowlada ee majaraha u haya maamulka gobolka qoraxay iyo midka ismaamulka magaalada qabridahar waxay kaloo shirar iyo fadhiyo la yeesheen culimada, ugaasyada, odayaasha, dhalinyarada iyo dumarkaba.

Kulamadan ayaa dhamaantood laga wada hadlay sidii loo dhamaystiri laha inta yare e ka dhiman dhismaha mashruuca machadka iyo sidii loo dardar galin laha ka qayb qaadashada bulshada ee dhismaha machadka imaamu nawawi iyadoo bulshadu balan ku qaaday sidii ay markii horaba ooga qayb qaateen dhismaha mashruuca ay hadana diyaar u yihiin in ay dhamaystirkiisana kaalin libaax ka qaataan waxaana la isku afgartay in la sameeyo maalin loogu magac daray iska wax u qabso oo uu qof walba maal iyo muruq wuxuu heli karaba ku taageero machadka si loo muujiyo lahaanshada uu leeyahay qof walba ee machadkan.

Kulamada ay wafdigani la qaateen bulshada isla markaana ka turjumaya in ay bulshadu diyaar u tahay machadka imaamu nawawi ayaa waxa ka mid ahaa kulan ay ka soo qayb galeen in ka badan 500 oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada qabridahar iyo wafdigii laf dhabarta u ahaa machadka imaamu nawawi kulankan oo uu furay maayarka maamulka magaalada qabri dahar mudane axmed cabdi maxmed ayaa waxaa dhanka kale ka hadlay xubno kala duwan oo ka mid ah bulshada iyo wafdiga booqashada ku tagtay gobolka qoraxeey.

Dhismahan mashruuca imamu nawawi oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo bulshada reer qoraxeey meel ay joogaanba si aan kala har lahayn uga qeyb qaateen ayaa lagu wadaa inuu wax badan kabadalo guud ahaan waxbarashada gobolka gaar ahaan mida magaalada Qabridahare. Machadkan oo ka kooban 24 fasal ayaa qaadi kara in kabadan 1000 arday gelinkiiba iyadoo uu yoohay nooca loo yaqaano “Integrated Schools” kaasoo u suurto gelin doona ardeyda inay bartaan cilmiga maadiga iyo midka Islaamka labadaba.

Waxaa lagu martiqaadayaa dhamaan inta Kheyrka jecel inay si aan kala hadh lahayn uga qeyb qaataan baarbaarinta ubad suuban oo hormuud u noqda bulsha suuban!

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online