Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay

October 8, 2014 - Written by Editor

DSC049841Muqdisho:-Madaxweynaha  DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ku laabtay magaalada Muqdisho, ka dib markii uu soo gudatay rukniga qiimaha badan ee Xajka.

Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho waxaana ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde Raisulwasaaraha DFS Cabdi Weli Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka soo degan Garoonka Aden Cadde wuxuu ugu hambalyeeyey guulaha ay ka gaareen ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM wuxuuna sheegay in ay socon doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha DFS ayaa qiray in ay jiraan kala aragti duwanaansho u dhexeysa hogaanka sare ee DFS balse ay ka mideysan yihiin siyaasada dalka.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshin ka dhan ah Raisulwasaare Cabdi Weli lagu soo diyaariyey dalka sacuudi Carabiya balse cid xaqiijin karta ma jirto.

Hoos ka Daawo Madaxweynaha DFS oo Warbaahinta Qaranka uga warbixiyey Socdaalkii uu ku tagay Sacuudiga

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online