Afhayeenkii Hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb oo Muqdisho Lagu dilay
February 18, 2017 - Written by EditorWararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Koox aan heybtooda la aqoon ayaa waxaa ay weerareen gaarigii Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb waxaana ku dhintay weerarka Afhayeenka .
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dilka geysteen koox ku labisan Ciidanka dowladda Soomaaliya sida goobjoogayaal ay u sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho.
Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ay ka baxsadeen waxaana halkaas soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS.
A/Cawale
Halgan.net