Al-Shabaab oo Hoobiyaal Ku Laayey Dad Rayid ah oo ku sugan Degmada Warta-nabadda
February 16, 2017 - Written by EditorMuqdsho:-Tiro Hoobiyaal ah oo ay kooxda Al-Shabaab ay ku rideen xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa ay ku dhaceen guri ku yaal Degmada Warta-nabadda waxaana ku dhintay 2 Caruur ah halka 4 kale oo isla qoyska ah ay ku dhaawacmeen.
Dadweynaha ka agdhawaa Guriga ay Madaafiicda ku dhaceen ayaa u gurmaday shacabka masaakiinta ah ooo ay xasuuqeen kooxda Al-Shabaab.
Guriga Hoobiyaha ku dhacay ayaa waxaa uu ku yaalaa agagaarka xaafada 15-ka May ee Degmada Warta-Nabadda.
Hoobiyaasha ay Shabaab ay tuureen ayaa gaarayey ilaa 4 waxaana inta badan ay ku dhaceen guryo ay degan yihiin dad rayid ah .
no images were found
Gaadiidka gurmadka degdegga ah ee magaalada Muqdisho oo goobta soo gaaray ayaa qaaday 4qof oo dhaawac ah waxaana loo qaaday Isbitalada ku yaal gobalka Banaadir.
Saraakiisha amaanka ee gobalka Banaadir ayaa wili ka Hadal Hoobiyaasha ay Al-Shabaab ku laayeen dadka Rayidka ah.
A/Cawale
Halgan.net