Madaxweynihii hore ee Puntand Gen. Cadde Muuse oo lagu aasay Boosaaso.[Masawiro]
February 14, 2017 - Written by EditorBoosaaso:Allaha u naxaristee Maydka Madaxweynihii hore ee dowladda Puntand Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ayaa saaka laga soo dejiyey Garoonka diyaradaha ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari. Aaska Allaha u naxaristee Madaxweynihii hore ee dowladda Puntand Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ayaa waxaa ka soo qayb galay 3 gole ee dowladda Puntland oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas , Madaxweyne ku xigenkiisa iyo gudoomyahay Baarlamaanka Puntlland yo masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Guud ahaan Amaanka Garoonka diyaradaha Boosaaso ayaa aad la adkeeyey waxaan goobaha ku dhow dhow garoona la dhigay ciidamo fara badan oo sugayey amaanka iyo nabadgelyada masuuliynta ka qayb galay Aaska Allaha u naxaristee Madaxweynihii hore ee dowladda Puntand Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor.
no images were found
Allaha u naxaristee Madaxweynihii hore ee dowladda Puntand Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ayaa waxaa uu ahaa Sarkaal sare oo ka mid ahaa Ciidanki hore ee xoogga dalka Soomaaliya waxaa uu nasiib u hellay in uu ka mid noqdo Saraakiisha ugu caansanaa Ciidanka xoogga dalka oo qabay tababar Ciidan.
Dhinac kale Aaska madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay madaxka socotay dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey R/wasaarah hore ee dowaldda Federaalka Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Ra’isul wasarihii hore ee KMG Prof Cali Maxamed Geedi , culimo ganacsato , Issimo fara badan oo ay ka mid yhiin Ugaas Yaasiin , Islaan Bashiir , Islaan Ciise iyo Boqor Burhaan Boqor Muus iyo Issimo kale.
M_M_Deeq
Halgan.net