Ciidanka DFS oo la wareegay Degaanka Daar-Macalin oo 30-KM u jira Bardheere
February 17, 2017 - Written by EditorGedo:-Ciidanka DFS ayaa Dagaal kula wareegay Degaanka Daar-macalin oo 30-KM u jira Degmada Bardheere sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Cali (Sanka) oo ka tirsan saraakiisha ciidanka DFS.
Dagaalka ayaa socday mudo dhan saacad waxaana uu sababay Khaasro leh dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray laba dhinac .
Degaanka Daar-macalin oo 30-KM u jira Degmada Bardheere ayaa waxaa uu isku xiraa degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halkaas oo ay Al-Shabaab ku dhibaateeyaan dadka iyo gawaarida marta.
Ciidanka DFS gaar ahaan Guutada 9-aad ee Millitariga ayaa saaka qaaday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Cali (Sanka) ayaa sheegay in ay jab u geysteen Al-Shabaab hubna ay ka soo furteen ,Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.
Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidanka DFS ay dib uga soo baxeen deegaanka Daar-macalin galabta.
A/Cawale
Halgan.net