Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Deegaanka Beerxaani ee gobalka J/Hoose
February 21, 2017 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka J/Hoose ayaa sheegaya in dagaal khasaaro geystay uu ka dhacay deegaanka Beerxaani kaas oo u dhexeeya ciidanka J/land oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM ayaa weerar ku qaaday degaanka Beerxaani oo qiyaastii 50-KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose.
Goobjoogayaal ku suggan degaanka Beerxaani ayaa VOA-da u xaqiijiyay in ciidamada is garabsanaya oo wata taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ay hareereeyeen Deegaanka Beerxaani waxaana halkaas isaga baxay kooxda Al-Shabaab.
Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Beerxaani ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn iyo rasaas xoogan ay ka maqlayaan gudaha iyo daafaha deegaanka Beerxaani.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Beerxaani ee gobalka J/hoose
Cabdi Yare
Kismaayo