Guddoomiye Laameed ka tirsanaan jiray Degmada Xamar-jajab oo Masjid lagu dhex dilay
February 25, 2017 - Written by EditorWararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xalay lagu dhex dilay Guddoomiye Laameed ka tirsanaan jiray Degmada Xamar-jajab oo lagu magacaabo Maxamed Cumar xili uu socday darsi Kitaabka Riyaad Saalixiin ah oo uu ku taxnaa .
Dilkan Foosha xun ayaa waxaa geystay laba dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab waxaana ay ka baxsadeen goobta markii ay dilka Geysteen .
Dadweynihii dhageysnayey Casharka Kitaabka Riyaadu Saalixiin ayaa argagax iyo Yaab ay ku dhacday iyaga la yaabay dilka qof Muslina lagu dhexdilayo Masjid isaga oo dhageysnaya Kitaab Riyaad Saalixiin ah.
Masjidka Xalay Lagu dilay Maxamed Cumar ee ku yaal Degmada Xamar-jajab ayaa waxaa lagu magacaabaa Masaajidka Bandhabow .
Kooxda Al-Shabaab ee lagu ibtileeyey daadinta dhiiga shacabka Muslinka Ee Soomaaliyeed ayaa lagu yaqaan in ay ku dilaan dadka Masaajidka gudahiisa iyo iyagoo ka soo baxaya Waxaana la xusi karaa dilkii Foosha xumaa ay u geysteen alaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ku jira Salaad casar oo Rukuucsan .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net